Maandeeq | ma jin baa ma jaan baa | Jaleeladu ma geed baa | faadumo cabdilaahi maandeeq | maandeeq

Heesta: ma jin baa ma jaan baa Luuqda: faadumo c/laahi Kaahin (maandeeq) Erayada: c/laahi diiriye sooraan Lyrics: Dhugmaal Lyrics Qoraalka heesta (Lyrics) Ma jin baa ma jaan baa? Mise jahawareer bay Arrintaydii joogtaa?             Sawkan jarihii aan waday Dhan kale u janjeedhsaday                  Allahayoow janniyo naar Adaw kala jiheeyee Aniga jooga iga maqan Qalbigaygii lana jiroo            Oon jab iyo maamuus Jirrab adag la soo maray              Isagana jacaylkuba Uu la yahay dad jalaa sideen ugu jaheeyaa   *********************    Jibintoo hilaaciyo Sida johorad nuurtuu Meel iila joogoo           Jibbadiyo kalgacalkanaa Nafta waan jari laa                Sida roob jartaale ah Ama jeerta webiyada Ee joogta waligeed Sawkan jabadka ila galay          Jisahayga Eebbaa Jannadiisa iga siine            Waxay tahay jawaabtaydu Inaan kaba jalbeebtaa hadduu jabiyay wacadkiiba            *************************** Jaleeladu ma geed baa?  Jilbiskuna ma bahal baa? Jigruhuna ma qori baa? A'naa jololo'daydii Ma waxaan jireyn baa?                Dadka laba jardaaqa Jir jiroole siduu yahay Hadba jeego kuu dhiga Ee aan dhana ba jirin                 Iyo waxa la jaadaba Jaliilkan ka magan galaye                    Nabsiguna haduu jiro Hayska jalabuteeyee Loo.. loo joogi doonee              #dhugmaal #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics