Hibo Nuura iyo Xasan Diiriye Heestii Dhalanteed 'Nimuu dhabarku jaban yahay Lyrics #qaaraami_lyrics

HEESTA : Dhalanteed ERAYADA: Maxamed cali kaariye CODADKA: Xasan Diiriye iyo Hibo Nuua Qoraalka : Qaaraami Lyrics QORAALKA HEESTA (LYRICS) ☆ XASAN DIIRIYE ☆ Nimuu dhabarku jabanyahay Dhaqdhaqaaqi maayee Sidaan dhawr habeen qaday Dhafooradu I jiidmee Waa dhaawacaagii Waxaan aan la dhuubtee Markii aan ku dhawraba Dhibaa ii kordhaysee ☆ HIBO NUURA ☆ Markii hore dhitiyo subag Dhaay baan filaayee Dhiil madhan adoo sida Dhabta igaga tuurtee Dharab orodka xoolaha Dhurwaagaa ku laayee Ani dhadiyo ceeryaan Ha i oran ka dhaansee Dhalanteedku waa midaan Iga dhaadhacaynee ☆ XASAN DIIRIYE ☆ Ninkii dhiiranaan jiray Wakhtigaa dhantaaloo Dhaaxaan itaalkay Amba dhaban adaygee Dhudhuniyo lixaadkii Wax ku dheefi waayee Hagar Kuguma dhaafine Dhadhaab bay i horyaalee ☆ HIBO NUURA ☆ Aqal dhinac banaanyahay Dhaxan kaama celiyee Dharaartii aan baahanaa Igu dhega adaygtee Dhuubkaa kolay tahay Kaama helin dhaqaalee Waa adigii I dhigay meel Dhamac iyo abaaroo Dhalanteedku waa midaan Iga dhaadhacaynee ☆ XASAN DIIRIYE ☆ Sida Dheeha geeloo Dhameel hawdka daaqdoo Dhanihii bullaaliyo Dhoobaale joogtaa Ama tahay dhir canabaad Dhaayaha u roontee Wali waan dhursugayaa Inaan wada dhammaynee ☆ HIBO NUURA ☆ Ninkii dhuumanaayee Dhabarkiisu muuqdee Dhaqsa loo ogaadaa Sidiisii ka dhigantoo Hadalkaa dhan saarka Kaa dhagaysan maayee Haddii ay dhab kaa tahay Dhaar ma ii maraysaa Mise kala dhaqaaqnaye Sidaasaan ku dhaafnaa #qaaraami_lyrics​​

GEESIGA DHULKIISA - HIBO NUURA & TUBEEC
▶︎

GEESIGA DHULKIISA - HIBO NUURA & TUBEEC

Musica para trabajar activo y alegre - Música Alegre para en Tiendas, Cafés | Deep House Mix 2026

Hibo Nuura Iyo Nageeye | Rooblow | Ruuneey | markii aan ku rabay | Ruuney hees | Rabigay ka yaaboo

Saalax Qaasim iyo Hibo Nuura Heestii _ Kalgacaylku Waa Qani _ Hees Qaraami Xul ah _ Lyrics

Axmed Gacayte &  Amina Cabdullaahi  . Heestii  sabaalo

Xasan Aadan Samatar & Xaliimo Khaliif Magool l Caashaqa ha baayicin lyrisc  2023

KHADRA DAAHIR CIGE HEESTII ISHA SACABKA MARI 1989-2026 @SomaliCulture-d9w

Heesta- Taar (Dhedigaba aduunbaa)  Maxamed Xasan Xuseen - Lafoole

Axmed Mooge Liibaan Iyo Xaliima Cabdi Afweyn 🔥Iyo Heesta "Cagta Saar Wadada"

Xasan Aadan Samatar Iyo Xaliimo Khaliif Magool Heestii _ Dalsankii Wiriiroo _ Hees Xul ah Lyrics

Rooda Kayf - Heesta - Haka Dhicin Sallaamada - Astaan Music 2022

Xabiiba Xasan Tooxow iyo Maxamed inshaar heestii_ Laab Dooxantoo Dawadeedi Tahay _ Lyrics

HEES: QAARAAMI: MUUSE ISMAACIIL QALINLE IYO SAADO CALI WARSAME.

Axmed Mooge | Heestii Itaageer Allahayoow | 2020 Lyrics

Shey Mire Dacar Heestii | Bishaaradii Naftayday | Hees Kaban Xul ah With Lyrics

Saynab Cige iyo Salaad Darbi Heestii _ Lix kun iyo Lix Boqol _ Lyrics

Maxamed tubeec iyo aamina heestii hayga goosan cawa iga gacan saraysa

Maxamed Nuur Giriig iyo Farxiya Cali Heesta _ Garmaqaate Warankiyo _ Hees Qaraami Xul ah With Lyrics

khadra daahir iyo saalax qaasim hadii samir | caashaqu sad weeye | hadii samir wax lagu helo

Cabdi Tahliil Warsame | Heesta Ugaaso I with Lyrics